HomeSearchMemberlistUsergroupsRegisterLog in

Share | 
 

 Cumar dhuule -Geesi Iyo Hanad

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
Manager
مدير عام
مدير عام


Male عدد المساهمات: 81
تاريخ التسجيل: 2009-04-14

PostSubject: Cumar dhuule -Geesi Iyo Hanad   16.04.09 9:47

Geesi iyo hanad baa [Cumar Dhuule]

Geesi iyo hanad baa
La gaboodsadaa
Rag ninkii wax garadaa
La gar waaqsadaa
Waa nin gala abaaloo
Gudi kara wanaagoo
Samo kugu gargaree
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan kaa go'ee
Aan kaa go'ee


Galad iyo ayaan baa
Lagu guursadaa
Talo aad gorfaysaa
Geed lala tagaa
Runta laga garaabaa
Layskuma gayaxa oo
Gees lagama eegee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go'ee
Aan ka go'ee


Gaban maayo aniguye
Adaan kuu go'ee
Jacaylbaa I gooyee
Adna ii garaw
Haygu noqonin
Geed adag
Aan go'I karaynoo
Gacmaa daalinaayee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go'ee
Aan ka go'ee





Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heesta midhaheeda yaa curiyay ?
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Daraato maxaan ku donay


Nafta meel u dudaysaa
damaqeeda xanuunka
wow doog dhabataayee
waan ku daawan lahaaye
dunti caashaqaa ma hantiyay
qalbigi dagyee dahab la moodyow
daraato maxaan ku doonay

naf dabaylo sitaan
debed wow hoyataaye
dadka weyska xignaaye
wwn ku daawan lahaaye
duntii caashaqaa ma hantiyay
qalbigii degyee dahab la moodyow
daraato maxaan ku doonay


Soo saxa soona dhameeya
Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heesta midhaheeda yaa curiyay?
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
ila xidh hoosa



nafba waa ayaankeed
ifka waxay la kulantee
ana deg qarsoon iyo
meel aan cidi arkayn baa
laygu ilaashaa
sida igadh maqaarkeed
**** loogu dhigay baan
sideedaan u ololaa
ugub laguu curtoo

sidaan oohin ugu go'ay
afaadka dhacayaa
boqol afar iyo tobanka
in uu kaaga bariyaan
ku barya ilaahay


Cudurka Kaa Gala Fardaha


Qof go'ay Iyo roob galbeed
Midkoodna haduu galbado Gadaal uma soo noqdee
Go'aankii hore u dhacay iyo Ayaamahan gaabiskaa
Horaadkaan godol lahaa Haday iga gaagaxsheeen
Iyana waxaan kaga gudbaa Gobay liico ha jabin
Gantaashana waan qaba Martina guulaan u ahay
waxaa heestan qaday M. Mooge

Ku sinnaan dharaartii
la sargooyey dunidee
Rabbigay sameeyee

Cirka sare u taagee
Xiddigahan siraatiyo
Lagu sudhay cadceeddee

Sagalkiyo daruurtiyo
Lagu xidhay sitaacee
Dhulka gogol la seexdiyo
Sabo lagu nagaadiyo
Laga dhigay sin-dadabkii
Buuraha la saaree

Dhirta samayda ciiddiyo
Salka loogu joojee
Saddex laab bad iyo webi
lagu yidhi sabbeeyee

Dabadeed la sahanshay
Qofba meel la siiyee
Saldhigeedu qaybaha
Cidi uma sinnaynoo

dadku ruux sabooloo
saranseer ku raagiyo
guryo samu nin yaalloo
sidka dhalay ku haystoo
helay seer-ma-weydiyo
laba kala sad roon baa
subax noolba joogee


Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan

Sal-fudaydku Xaawuu
janadii ka saaree
ruux aad sugaysoo
maqan waa la sahadshaa

sahan waa la dhowraa
ha sahwiyin ha selelin
salka dhaban ha noqonin
ha saluugin qaybaha

qalinbaa saxeexee.
waxan Saatir kuu qorin
ha u suul dhabaalayn
Kala saar run iyo been
kala garo sir iyo caad
in salaaddu weligeed
kala tahay Sunniyo Faral
uogow sax iyo maan

Inaad saamo jiiddiyo
sanqadh tirasho kala daa
naf jacayl sawaabayoo
sanka kuu dalooshoo
kuu sudhay hoggaan baad
usiddaa maqaarkee
ha ku daba saqlaysee
haw gaabin seetada
sogsogtiyo cadaaddiyo
ha ku saydhin laamaha


Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan


Heestan waxaa qada Khadar Daahir

Isha Sacabka Mari, Khadra Daahir Cige


Dadkoo ururayoo
isu tagey dhammaan
ma ogaan karaan
moyee isaga
ayaaa waaay haaaa uga warrama
aramidu inay eel dheer taqaan
Hadba waxaan arkaa
anoo ay cidla ah
eri dhaban sidiisii
kuu ololayee
Ubax baan sidaa
kuula soo ordee
maad iga aqbali
eedaad kalgacal
adaa igu unkaye
dhibtan mawga bixin
kugu indha la'
usha maad u qaban


Ifo faalo iyo saad aragti dheer
sida awliyaan ku oddorosayaa
ayaa way haa ilo biyo leh
ku agmeerayoo
oonku ka baaba'ayn
garta odayada
la i soo dhigaa
arji iyo aqoon
afti kaa baxshee
Yay ku dhicin ilmadu
dhir abaarsatee
isha sacabka mari
eedaad kalgacal adaa
igu unkaye
dhibtan mawga bixi
naftan naftan ku oggolee
kuu abaajitee
kuu abaydintaa ee
kugu indha la'
usha maad u qaban
Heestan waxa qaadi jiray fanaan la odhan jiray Cumar Dhuule Ilaahay haw naxariistee. Midhaha heesta yaa sameeyay?

waa jacayl aboodiya
midkan ila arooray
la itaal dareeye
asaagay iga raabee
waa adi daraadaa
wax la ii ambinayaa
aan aduunka joogee
ha gaynin aakhiro

hay ahaanin nacabee
adoon iga adkaysan
yaan lay afduubin

adyad kuuma gaysan
waxaad igu ilawday
ayaan daran naftaydaa
iika arkootee

aan adimadaydiyo
eersado ishaydee
adoon iga adkaysan
yaan lay afduubin
Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah.
Heesta midhaheeda waxa curiayay Faysal
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Lacageey


Lacageey ragga kala labaayaay
Haween lahashadooday
Liitaha gargaaray laqanna hoos u celiyaay
Hubka laysku laayaay
Lisaanka iyo dooday
Hadana lagama maarmaay
Liibaanta joogtaay
Taan anigu ku loofaray
Een hore u lumiyaay
Ladhkeedii habeenadan
hablow ladiba waaye lacageey

aha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah.
Heesta midhaheeda waxa curiayay Faysal
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Subcis 111


Haddii lagu dilo aniga damqadoo
Laysumaa daayo laba is doonaysoo
Dadkeenu waxyeeladuu doorbidaye
Ku doorataye may i dayaayaan
Hayaay Shamis sheekadiidii

Timaha halaqeed haldhaa moodiyo
haybadaa wajigee hida u dhaladka
hubqaadkeedu hibasho igu reeb

Buhayraay taan u baahnayeey
baahyoo warku beeshi wada gaadh


Soo saxa soona dhameeya


waxaa heestan qaada C/salaan moalin cabdulle

Dhul biyuhu maraano
Xareeduna baliga taal
Boocamay ku dhalatiyo
Dhul barwaaqo ah ood garan
Bidhaanteedaan waayo
Baadigoob ku waashee
Beriga ay ku nooshaa
Shimbir buuba igu tidhi
Barakado aan barkadiyo
Beesha Gedaan u boogayaa
Boqolo soomaan balan ku qaadee
Bilaash laguma dhaartee

Boqolka soo baxaayay
Shan iyo tobnaadeey
Baahidaa aan kuu qabo
Barniyey bidhaan araga ha iga tegin

Butin dheer bureeqoo
Baalasheedii fidisoo
Inay buubto bilowdoo
Bilciladi ka boodaay
Berigaan is baranaa
Wadnaha boog ku yeeshee
Beerkii bay damqadayoo
Boqodoo kuu basaasee.
Waxaa heestan qada Maxamed Aadan Shamuuri

Sida dhool guyoo da'ay
Dhirtu ubaxa bixisoo
Dhulku wada dhalaaloo
Xooluhu dhaleenoo
Dhayda iyo subaggii
Dhanacyada u liiceen
Dhallinyaradu joogtoo
Dhaantada ciyaaraha
Dhammaan laysla tumayo
Ayaad iiga dhigantoo
Naftaa kula dhacaysee
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan...
Dhabta i saar!

Beerkay dhambalanoo
Dhuuxaygaa shubmaayoo
Dhiiggay qulqulayee
Dhibtu maaha keligaa
Waase lagula dhinacyaal
Dhabbadaan maraayiyo
Kolka aan dhaqaaq tebo
Dhammi waaxyahaygiyo
Dhimirkaygu adiguu
Dhabtii kula hayaayoo
Dheellalowga ugu wacan
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan
Dhabta i saar!
Heestan waxa qaadi jiray fanaan la odhan jiray Cumar Dhuule Ilaahay haw naxariistee. Midhaha heesta yaa sameeyay?

xabadyahay waxaad tahay
xulashada haweenkii
xaqiiqdii mid kula mida

wali lama xambaarine
xuural cayn la moodii
xaragada u dhalataay

gacmaahaga xaada leh
markaan soo xasuustab
xadantoodayeey

xidigyahay anoo nool
xabaal baan dul aala

Dhulaan ceel lahaybaa [Khadra&Saado]




Dhulaan ceel lahaybaa
dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaadiyo
dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay
dhankan anigu kaa xigo
Dharka lama yaqaanee
dhuug baanu xidhanaa
Adna dhogorta xoolaha
malaa waad ka dhigataa
Buuraha dhexdoodiyo
dhagaxbaan ku seexdaa
Adna wax ima dhaantide
dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa
dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer
yeysu soo dhaweeya


Markaad adigu dhimataa
naftu iga dhaqaaqdaa
Markaad adigu dheregtaa
dhibaatadu I deysaa
Dheehaagan wacan baa
aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii ad reebtaa
dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhowaadana
waad iga dhaqaaqdaa
Ana kuma dhegaystee
anoon dhuumanayn baan
Dhegaha kaa furaystaa
wixii adiga kaa dhimin
Anigana I dhaafoo
dhaan-dhaan hadaan ahay
Adna dhoohanaa tahay
dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer
yeysu soo dhaweeya


Kol hadaynu dhuuxiyo
dhiigii ka simanahay
Midabkiyo dhawaaqiyo
diintiyo dhalashada
Iyo dhaqan wadaag nahay
dhudhunkaad I goysaa
Waa dhantaalan kaagee
labadeenu dhuun iyo
Moqor baan ka dhiganee
dhidibkaynu taagniyo
Dhismihii adkaan jiray
inaan kala dhaltaalaa
Dhegxumo iyo yaab iyo
talo dhacan tay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee
aayaha dhasheeniiyo
Midnimada ma dhowraa
Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah.
Heesta midhaheeda waxa curiayay Faysal
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Subcis 11


Qod baad tahay meel qabow ka baxoo
Qajeel ubaxii dhammaan qariyo
Qacdii aan ku arkaan is qoonsadayo
Bal qabsoo waaban kuu qandhaysnahay

cusibiyo geelo kama marmo carroo
cirkiyo uu ogyahay halkii cosob loo
cadaystay inaan ku caashaqaye
cidliyo haygu tuurin ciirsila

Ciilkayga kola caashaq dayn maayo
Ciyaarta cid kale la garan maayo
Carsaanyo sigaarka hayla cabtee
Ciidiyo badda cagaha ii dhigga

ma seexdo habeenkii waan salalaa
sayda waa la ii sawiraayaa


Soo saxa soona dhameeya

Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah.
Heesta midhaheeda waxa curiayay Faysal
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Subcis 1


Daganeey sida dooxa daad marayo
Daristii kaga taal labadaa dacaloo
dunyadii wali daaqin baad tahay


Sidii cir ku hooray meel cosobloo
Cadcedi u soo baxdaad tahay



Nasiibkaygiyay is nici mayanee
Intaad nabad joogto soo noqo

Dawee qalbigaa i daxalaystoo
Hadalka i damqaaye iga daa



Soo saxa soona dhameeya Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah.
Heesta midhaheeda waxa curiayay Xudaydi
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Wali waa caruuroo


Baydka Kobaad

Midab aan cadaan iyo
cawlaan ahayn oo
daymadaa cajabiyoo
lagu caajisayn iyo
waxaad tahay mas ciideed

wali waa caruuroo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida fras colaadiyo
sange loo cugtamayee

Baydka Labbaad

cir habeeno da'ay oo
doog iyo caleen ba leh
ama rays cagaaroo
ciiradu ka duushiyo
cosobkay la midab tee

wali waa caruur oo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo
sange loo cugtamayee

Baydka Saddexaad

cambaruudka naasaha
caaradaa madow iyo
luquntaa cabaadhka le
iyo cududaheediyo
kubabkaa is celiyee

wali wa caruur oo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo
sange loo cugtamayee

Baydka Afaraad

Sunayaal carceere
cidhifka isla gaadhiyo
indha cawl la moodoo
caashaqa abuuraa
igu beeray cudurkee

wali waa caruuroo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida faras colaadiyo
sange loo cugtamaye

















Cali Sugule
Maryan Mursal
Axmad Mooge
Kinsi Xaaji
Maxamed Saleeban
C/laahi Qarshe
















Back to top Go down
View user profile http://kingboy.4ulike.com
 

Cumar dhuule -Geesi Iyo Hanad

View previous topic View next topic Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
King Boy :: Somali :: Heeso Qoran-